IFJ oo ka walaacsan xukun xabsi dheer oo Itoobiya ku riday Weriye Soomaaliyeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

IFJ oo ka walaacsan xukun xabsi dheer oo Itoobiya ku riday Weriye Soomaaliyeed

Addis Ababa – Mareeg.com: Ururka Isu-tagga Caalamiga ah ee Wariyeyaasha (IFJ) ayaa walaac ka muujiyay xabsi 27 sano oo maxkamada ku taalla Itoobiya ku xukuntay weriye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamah).

IFJ ayaa cadeysay walaaca ay qabto dambi u yeelidda iyo xarigga lagu xakumay Maxamed Aweys Muudeey, kaasoo aad looga yaqaanay Muqdisho.

Maxkamada ku taaalla Itoobiya ayaa xukunka weriyaha u cugsatay sharciga la dagaallanka argagixisada ee Ethiopia, waxaana ayaa lagu eedeyey inuu wax ka ogaa howlgallo ay Al-Shabaab ka fulin lahayd gudaha Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa falal argagixiso.

IFJ oo war ka soo saartay xarigga wariyaha ayaa dowladda Ethiopia ka codsatay inay ka noqoto go’aanka xukunkiisa, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo siiyo xorriyaddiisa.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey ayay IFJ sheegtay in loo diiday qareen u dooda iyo in qof qoyskiisa ah uu xaadiro halkii ay dacwaddiisa ka socotay.

Ururuka wuxuu sheegay in wariyaha iyo saddex qof oo lala xiray si xun loo jir-dilay intii ay xabbisnaayeen, isla markaana aysan si hagaagan u socon karin.

Ethiopia ayaa la sheegaa inay ku jirto dalalka cabburiya suxufiyiinta. Kaliya Eritrea ayaa kaga horreysa xarigga wariyeyaasha.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!