Idaacada Kulmiye oo dib hawada ugu soo laabtay iyo SIMBA oo wali hawada ka maqan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Idaacada Kulmiye oo dib hawada ugu soo laabtay iyo SIMBA oo wali hawada ka maqan

Mareeg.com-Idaacada Kulmiye ayaa goor dhow dib hawada ugu soo laabatay, kadib markii ay saacado hawada ka maqneyd, hase ahaatee Idaacada SIMBA oo xalay albaabada la isugu dhiftay ayaa wali hawada ka maqan.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa xiray agaasimayaasha Idaacadaha Kulmiye, SIMBA iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaasoo loo heystay inay xalay sii daayeen warar ku saabsan Al-Shabaab, gaar ahaan codkii Afhayeenka Al-Shabaab uu kaga hadlayay geeridii Hogaamiyahooda iyo magacaabida Hogaamiyaha cusub.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa sheegay in sababaha loo heystay iyaga ay aheyd laanta afka Soomaaliga ee VOA oo ay sii daayaan barnaamijyadeeda inuu ka baxay codka Afhayeenka Shabaab, taasna aanay aheyn wax iyaga lagu qabsan karo.

“Waxaa u sheegnay Hogaamiyaha Al-Shabaab Mareykan ayaa dilay, Idaacada VOA Mareykan ayaa is ka leh, marka hadii wararkaas sii daayaan anaga wax naga quseeya ma lahan, aniga iyo Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa saacado xirneyn waa nala soo daayay”ayuu yiri Abwaan Guure.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay albaabada isugu laabay Idaacada SIMBA, iyagoo qaatay qalabkii Idaacada laheyd, waxaana wali xiran qaar ka mid ah shaqaalaha idaacada.

Amar horay uga soo baxay Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa ahaa in aan idaacadaha sii deyn karin wararka ku saabsan Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!