Idaacad dhowr bilood dhuumaaleysi uga hadleysay Hargeysa oo xalay la qabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Idaacad dhowr bilood dhuumaaleysi uga hadleysay Hargeysa oo xalay la qabtay

Mareeg.com: Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay gacanta ku dhigay Idaacad FM oo muddo laga maqlayey magaalada Hargeysa, islmarkaana la la’aa halka ay ku taallo.

Idaacadaan oo soo geli jirtay xilliyada habeenkii, lana magac baxday Radio Baadi-goob ayaa xalay 9:30 waxaa u dhacay booliska Somaliland, waxaana la qabtay 4 ruux oo dhalinyaro ah sida uu sheegay taliyaha Booliska maamulkaas, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliye Fadal ayaa warbaahinta u sheegay in Idaacaddan laga helay Xaafadda October ee magaalada Hargeysa, iyadoo sida uu yiri hawada ku jirta oo hadleysa.

Taliyaha ayaa sheegay in Idaacadani ay aheyd mid sharci darro ah, islamarkaana ku howl geleysay qaab dhuumaaleysi, wuxuuna xusay in dhalinyarada halkaas laga soo qabtay maxkamad lasoo taagi doono.

Idaacaddan ayaa baahin jirtay Heeso qaraami ah oo ka dhan ah Xukumadda maamulka Somaliland, kuwaasi oo tawradii Siyaad Barre loo qaadi jiray.

Lama oga cidda iska leh idaacadaan, hase ahaatee maamulka ayaa ku guda jira baaritaan. Idaacadan oo ah FM laga maqli jiray Hargeysa ayaa maamulka Somaliland raadinayey muddo 3 bilood ah.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!