Hub farabadan oo laga soo qabtay mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hub farabadan oo laga soo qabtay mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Mareeg.com: Howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka Soomaaliya ayay kasoo qabteen mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir hub lagu sheegay in loo isticmaalayay falalka amni darro.

Howlgalka oo ahaa mid ay ciidamadu ku xaqiijinayeen amniga caasimadda, ayay ku soo qabteen 29 qori oo ah nooca AK47, 7 bam gacmeed, 2 bistooladoo oo ah nooca Tee-teyda loo yaqaan, 7 gaari oo la rumeysan yahay in loo adeegsado falalka amniga lagu qal qalgelinayo, 8 booshashka qoriga lagu qaato ah iyo dhowr qof, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegay in howgalkaas maanta ay ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho uu ahaa mid lagu xoojinayo nabad gelyada caasimadda, isla markaana ay joogteynayaan howlgallada lagu baacsanayo kooxaha maleegaya falalka ka dhanka ah amniga.

Maxamed Yuusuf Cusmaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa markale ku celiyay hadalka ah in hub iyo direes sharcidaro ah cidii lagu arko tallaabo sharciga waafaqsan lagu qaadi doono.

Maxamed Yuusuf Cusmaan, ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!