Howlwadeen ka tirsan wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa maanta degmada Dharkeynley ku dilay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray, Yuusuf Maxamed Siyaad.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta sheegay in dhallinyaro ku hubeysan bastoolado ay ka dambeeyeen dilka mas’uulkaas, oo ku sugnaa xaafadda Tabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley.

Wasiirka Qorsheynta xukumadda Somalia, C/raxmaan Caynte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen dad uu ku sheegay inay kasoo horjeedaan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Marka hore waxaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo geerida walaalkeen Yuusuf Max’ed Siyaad; tanina waxay caddeyn u tahay inay weli jiraan dad weli dhibaatooyin wada, kuwaasoo aan doonaynayn dowladnimada,” ayuu yiri Caynte.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay wasaaradda inay sii waddo howlaha harsan, haddii aysan mowjado kale ka horimaan, ayna ku rajo-weyn yihiin inay dalka ku soo kordhiyaan howlo waaweyn.

Dilka loo geysto shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha samafalka ayaa kusoo laalaabta magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.