Howlgallo Xoogan Oo Maanta Ka Socda Wadooyinka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo Xoogan Oo Maanta Ka Socda Wadooyinka Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta ka socda howlgallo xooggan oo ay wadaan ciidamda xsilinta amniga Muqdisho oo lagu arkayo inta badan Wdooyink Waaweyn ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada xasilinta amniga ayaa tagan Isgoysyada Waaweyn ee Muqdisho iyaga oo baaraya Gaadiidka yar yar ee nooca raaxada ah halka dadka ay soo dejinayaan si loo baaro,in kastoo aysan jirin cid ilaa iyo hada ay ku qabteen howlgalladas.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib qaraxii dadka Shacabka u badan ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay Saldhiga degamda Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin badbaadinta Shacabkooda islamarkaana Shacabka looga baahan yahay dhankood in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

Mudo ka badan bil ayaa Ciidamada xasilinta Muqdisho ay howlgallo joogto ah ka wadaan Magaalada Muqdisho hadana waxaa si caadi ah u dhacaya Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan kaas ay ku waxyeeloobayaan dadka Shacabka ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!