Howlgallo Saakay Ka Socda Degmooyin Kamid Ah Gobolka Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo Saakay Ka Socda Degmooyin Kamid Ah Gobolka Banaadir

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa saakay howlgallo waxa ay ka wadaan qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir howlgalladaasi oo lagu xaqiijinayo dhanka amniga Caasimada.

Howlgallada ay wadaan Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa waxa uu intiisa badan ka socdaa xaafadao ka tirsan Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee Gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu howlgalka ka socdaa Isgoysyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho waxaana la arkayaa Ciidamada oo baaraya dadweynaha iyo Gaadiidka.

Wadada Maka Almukarama ayaa ka mid ah goobaha sida weyn ay Ciidamadu dadka ugu baarayaan halka mararka qaar ay dadka Gawaarida ka dejinayaan islamarkaana ay baarayaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Bisha Ramadaan ayaa Ciidamada xasilinta amniga waxa ay wadeen howlgallo lagu sugayo amniga iyadoo taasi ay keentay in xoogaa Nabadgelyo ah la dareemay.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!