Waxaa Saakay Ciidanka dowlada Kenya ay howlgallo ay ka wadaan deegaano hoos yimaada Magaalada Mandera ee dalka Kenya.
Deegaanada hoos yimaada Magaalada Mandera ayaa waxaa la sheegay ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tiran Ururka Al Shabaaba .
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Mandera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan lagu raadinayo Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo mararka qaar weeraro u geysta Ciidanka dowlada Kenya ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Mandera ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgallada ay ka wadaan Magaalada Mandera iyo sidoo kale Degaanada hoos yimaada .