Howlgallo lagu xiray Rag ka ganacsada maan dooriyaha oo laga sameeyay Magaalada Jowhar
Jowhar (Mareeg)—Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howgallo ballaaran oo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya ay ka sameyeen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.
Labo Xidigle, Geelle Isaaq Warsame, Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Magaalada jowhar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howgalladaasi ay ku soo xireen labo Ruux oo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.
Taliye Geelle ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in labada Ruux ee lagu xiray howlgalkaasi in ay haatan ku u soo gudbiyeen Magaalada Muqdisho si halkaaasi loogu maxkamadeeyo.
Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxey ka wadeen howlgallo lagu beegsanayo meelaha lagu beero Xashiishka iyo Dadka ka ganacsada ee ku sugan Gobolkaasi.
Comments are closed.