Howlgallo Lagu Furayo Waddooyin Ay Go’doomiyeen Al Shabaab Oo Maanta Ka Socda Degmada Waajid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo Lagu Furayo Waddooyin Ay Go’doomiyeen Al Shabaab Oo Maanta Ka Socda Degmada Waajid

Waxaa maanta Howlgal lagu furayo Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Degmada  Waajid ee Gobolka Bakool uu ka socdaa Degmadaasi waxaana Howlgalka wada Ciidaka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa Waddooyinkeda go’doomiyay muddo hada ku dhow hal sano Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay bilaabeen Howlgallo lagu furayo Waddooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay si gaar ah ay uga bilaabeen Wadada dheer ee isku xirta Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale Degmada Waajid.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Yariisow in howgalka ay ka qeyb qaadanayaan Ciidanka dowladda Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool.
Deegaano hoosyimada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo Waddooyinka go’doomiya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!