Howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Read Time:51 Second

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga sameeyeen Xaafadaha Nasteexo ilaa Suuqa Weyn ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay inay ku qabqabteyn dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa hal Goob isugu geeyay dadka howlgalka lagu qabqabtay,iyaga oo baaritaano ku sameeyay,hayeeshee badankood markii dambe ay Ciidamadu siidaayeen.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha xoosh iyo Dabakaaya Madow ee degmada Dharkeenleey,waxaana si la mid ah ay ku qabteyn dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo baaritaano dheer kadib qaarkood lasiidaayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey wax faah faahin ah kama bixin howlgalladaas,hayeeshee waxaa xusid mudan in labadaasi degmo ay ka dhaceyn falal la xiriira Amnidarro.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxa ay kordhiyeen howlgallada ay ka sameynayaan degmooyinka Muqdisho hadana waxaa weli socda dilalka qorsheysan ee loo geysanayo askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh dowladda Soomaaliya.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.