Howlgallo laga sameeyay Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay  waxaa ay howlgallo culus ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka Shaqeeya degmada Shibis iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale howlgalkooda uu ahaa mid guri guri lagu baarayey.

Dad u badan dhalinyaro ayaa howlgalkaas lagu qabtay,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in Goob la isugu geeyey dadka,isla markaana badankood la sii daayey halka qaarkood ay Ciidamada weli baritaano ku hayaan.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka howlgalka lagu qabtay la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi- baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Waa habeenkii  Saddexaad oo xiriir ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay howlgalka ka sameeyaan degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu daba socdo howlgallo si joogto ah looga sameeyo degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!