Categories
Af Soomaali

Howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ka degmada Waabare ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafadaha Buudooyinka oo ka tirsan degmada waabare.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Dad badan lagu soo qabtay Baaritaankii xalay ay ciidamada booliska ka sameeyeen degmada Waabare ee Gobalka Banaadir.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabare iyo Taliska Booliska Soomaaliya.

Maalmihii dambe ayaa ciidamada booliska Soomaaliya waxaa ay baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoona dhalin yaro badan lagu soo qabtay baaritanadaasi.

By MM

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline
Email: news@mareeg.com