Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo socda Gedo (SAWIRRO) — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo socda Gedo (SAWIRRO)

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka bilaabay degaano ka mid ah gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka fuliyay Dhoobley, Gergilis, Hila Ari iyo Bakal oo 25 dhinacyada Waqooyi iyo Bari ka xiga Baardheere.

Dagaal Kooban ayaa dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab intii ay ku jireen howlgalkaasi ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ee Gedo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro kusoo qaadda Kontoroolada Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!