Howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo laga sameeyay Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo laga sameeyay Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalladan oo siyaabo kala duwan looga sameeyay Degaano ku dhow Degmooyinka Matibaan, Maxaas iyo Baladweyne ayaa sida la sheegay lagu beegsaday Xubno ka mid ah Al Shabaab.

Saraakiisha Militariga ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ku dileen ilaa 30 xubnood oo ka mid ahaa Al Shabaab.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan sheegashada militariga Gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!