Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Xamar Jajab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Xamar Jajab

Muqdisho ( Mareeg)-Howlgalladani oo ah kuwa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si wadajira ah uga sameenayeen Xaafadaha ku teedsan Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee qeybta Waliyoow Cadde, Col Maxamed Daahir Cabdulle oo aan qadka Tafeelonka kula xiriirnay ayaa sheegay in Howlgalladaasi ay ka socdaan Xaafadaha sida Buundooyinka, Buulo-Gaaljecel iyo Buuraha oo ka wada tirsan Degmada Xamar-Jajab.

Taliye Col Maxamed Daahir Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu sugayo amaanka Degmada si buu yiri looga hortago in aysan ku dhumaaleysan Kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin “Nabaddiid”.

Inta badan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa muddooyinkii dambe waxa ay howlgallo ka sameenayeen Xaafado ka tirsan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!