Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Muqdisho
Ciidamada Booliska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa Ciidanku waxey ku soo qab qabteen dhalinyaro badan, kuwaasi oo lagu tuhmay Kooxda Al Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa waxuu sheegay in ujeedka howlgallada uu ahaa sugida amaanka Magaalada Muqdisho.
Waxaa Sarkaalka uu ka gaabsaday in shaaciyo tirada rasmiga ah ee lagu soo qab qabtay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magaalada Muqdisho.
Howlgalladan ayaa daba socda kuwa kale oo Habeeno is xiga laga sameeyay Degmooyinka qaar ee Caasimada Soomaaliya.
Waxaa howlgalladan hore ugu dhawaaqay Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow, si looga hortago weeraro uu tilmaamay in ay damacsan yihiin Xoogaga Al Shabaab.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weeraro u badan qaraxyo, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay dhabarka u riteen Kooxda Al Shabaab.
Kooxda Al Shabaab ayaa in ka badan 10 Sanno dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana weli ay ku xoogan yihin qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.
Comments are closed.