Howlgalkii Hotel Maka Almukarrama oo lasoo afjaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgalkii Hotel Maka Almukarrama oo lasoo afjaray

Mareeg.com: Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa soo afjaray howlgal howlgal milateri oo shalay galab, xalay iyo saaka ka wadeen hotelka Maka Almukarrama oo Alshabaab qabsadeen kadib markii ay ku qaadeen weerar is qarxin iyo toos isugu jiray.

Saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa sheegay in ciidanka dowladda Somalia ay si rasmi ah gacanta ugu hayaan qaybaha uu Hoteelku ka kooban yahay, kooxihii weerarka soo qaaday ee ku harsnaana la dilay.

Weerarka ay Al-shabaab ku qabsatay hoteelka ayaa billowday gellinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd, isagoo tan iyo xalay socday.

Mid ka mid ah xoogaggii weeraray hoteelka ayaa la sheegay in xalay oo dhan uu ku jiray qaybaha sare ee hoteelka halkaasoo uu ka dagalamayay, balse ay saaka toogteen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Ciidanka booliska qeybtiisa miinada baarta ayaa gudaha u galay hoteelka, kaddib markii ay ciidanka hay’adda NISA ay toogteen qofkii ugu dambeeyay kooxdii hubeysneyd ee Hotelka ku jiray, sida laamaha amaanku sheegeen.

Howlgalkaan ayaa intii uu socday waxaa ku dhintay 11-qof sida ay laamaha amniga DFS qaarkood u sheegeen qaybaha kala duwn ee warbaahinta, iyadoo dhaawacyadu ay 20-qof kor u dhaafayan.

Weli dowladda Soomaaliya kama bixin wax faahfaahin ah weerarkii ka dhacay hotelka Maka Almukarrama iyo inta khasaaruhu la egyahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!