Howlgal Xoogan Oo Xalay Laga Sameeyay Degmada Shibis Ee Gobolka Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Xoogan Oo Xalay Laga Sameeyay Degmada Shibis Ee Gobolka Banaadir

Waxaa Xalay Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya howlgal xoogan ay ka sameeyeen Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir iyadoona howlgalkaasi lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo Degmadaasi ku noolaa.

Ciidanka ayaa baaritaankooda ka sameeyay Xaafadaha waxaana la baarayay Gaadiidka iyo Guryaha sidoo kala Ciidanka ayaa baarayay dhalinyarada Xaafadahaasi ku sugnaa.

Howlgalkan Xalay laga sameeyay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa qaatay Saacado badan waxaana lagu soo qabtay inta uu howlgalka socday boqolaal dhalinyaro ah oo intooda badan la sii daayay kadib baaritaan ay Ciidanka ku sameeyeen halka qaarna ay Xarumahooda ay u wateen.

Howlgalkaan ayaa ku soo beegmay xili Shalay Qarax Gaarigiisa loogu xiray Abuu Shiine oo ka mid ahaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde kana mid ahaa dadka deganaa Degmada Shibis uu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!