Howlgal Xoogan Oo Ka Socdo Degmada Buur-dhuubo Ee Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Xoogan Oo Ka Socdo Degmada Buur-dhuubo Ee Gobolka Gedo

Waxaa maanta  howlgal xoogan uu ka socdaa Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo waxaana howlgalka sameynaya Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo furi lahaa wadooyinka soo gala Degmada Buur-duubo ee Gobolka Gedo oo ay Al Shabaab go’doomiyeen.

Gudoomiyaha Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo Aadan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid Ururka Al Shabaab looga qaaday Afarta dhinac ee Degmada iyo Deegaanada hoostaga.

Waxaa sidoo kale Gudoomiyaha uu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka Degmada Buur-dhuubo.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka, waxaana mararka qaar ay weeraro ka geystaan fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada Dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!