Mareeg Media
Somalia

Howlgal xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo lagu soo qaqb qabtay dad farabadan.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa mid Guryaha qaar ay baaritaano ku sameynayeen,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in dhalinyaro farabadan howlgalkaas lagu qabqabtay,kuwaas oo la geeyey Xarunta degmada Waaberi wallow markii dambe badankood la sii daayey.

Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey,isla markaana uu qeyb ka ahaa howlgallo isdaba-joog ah oo habeenadii la soo dhaafay laga sameeyey degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale intii uu xalay howlgalka socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga qaar iyo isku-socodka dadka iyo gaadiidka,hayeeshee markii dambe dib loo fasaxay,welina laamaha amniga Soomaaliya ma shaacin dad lidi ku ah amniga oo ay howlgalka ku qabteen.

Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay howlgalka ayaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya waxaa ay howlgallo ka fulinayeen degmooyin ka tirsan Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay hub,waxyaabaha qarxa iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!