Howlgal saakay ka socda Degmada Jalalaqsi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal saakay ka socda Degmada Jalalaqsi

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay waxa ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,kadib markii shalay halkaasi qarax lagula eegtay kolonyo oo ay ka socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Howlgalka ay Ciidamada sameeyeen ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Jalalaqsi,waxaana lagu soo qabtay qabtay dhalinyaro badan,kuwaasi oo intooda badan  la sii daayay, halka qaar ay Ciidamada wateen.

Dadka Deegaanka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa inoo sheegay in Ciidamada sidoo kale ay baaritaano ku wadaan guryo qaar ah oo ku yaalla xaafadaha sida gaar ah ay howlgalka uga sameeyeen Ciidamada,isla markaana ay baaritaano ku wadaan.

Howlgalka saakay Ciidamada dowlada iyo kuwa dalka Jabuuti ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka sameeyeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu imaanaya xili shalay Gelinkii dambe Qarax Miino oo Khasaaro geystay Gudaha Degmada Jalalaqsi lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa  Dowlada Dalka Jabuuti ee halkaasi ku sugan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More