Howlgal Maanta Laga Fuliyay Garoonka Diyaaradaha Degmada Bardaale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Maanta Laga Fuliyay Garoonka Diyaaradaha Degmada Bardaale

Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa maanta howlgal waxa ay ka sameeyeen Garoonka Diyaaradaha Degmadaasi.

Howlgalka maanta laga fuliyay Garoonka Diyaaradaha maamaulkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay miino lagu  aasay Garoonka oo lala  damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Federaalka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada ee Degmada Bardaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka dowlada soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada ay wadaan baaritaano lagu raadinayo ragii ka dambeeyay Miinada lagu aasay Garoonka Diyaaradaha isagoo sidoo kale sheegay in ay bilaabayaan Howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!