Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Gobolka… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Gobolka…

Ciidamada Xoogga dalka oo saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose oo lagu dila xubno ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Howlgalka ayay ciidanka si gaar ah kaga fuliyeen deegaanka Baloow oo ku teedsan wabiga Shabeelle, waxaana howlgalkaas la sheegay in lagu dilay 11-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 9 kalena lagu dhaawacay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa oo la hadlay warbaahinta dowladda u sheegay in inta uu socday howlgalka Ciidamada ay ku burburiyeen goobo ay lahaayeen xubnaha la dilay, waa sida uu yiri.

Sidoo kale Generaal Odawaa ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay ka dib markii ciidanka ay ka war heleen inay xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan yihiin deegaanka Baloow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Feederaalka ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka fuliyay howlgalo kala duwan oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa Gobolkaas ka fulisay weeraro isugu jiray mid toos ah iyo qaraxyo miinooyin ah oo ay la eegteen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, xili ay socdaalo ku jireen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.