Howlgal lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Gobolka Sh/hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Gobolka Sh/hoose

Howlgal qorsheyn oo ay Ciidamada Amniga dowlada Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al Shabaab.

Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa lagu dhaawacay dagaalyahano kale oo ka tirsan Al Shabaab,kuwaasi oo sugnaa Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose,sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku Howlanaa Weeraro ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa israsaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Al-shabaab ah kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., Ciidamada Amniga waxaa ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!