Howlgal Lagu Dilay Saraakiil Iyo Dagaalyahano Ka Tirsan Al Shabaab Oo Ka Dhacay

Read Time:45 Second

Ciidamada xooga dalka Soomaliya ayaa howlgalo waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose,kaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Howlgalkaasi ay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ka fuliyeen deegaano ka dhaca Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamaal ka tirsan Al Shabaab,kuwaa oo ku sugnaa qeybo kamid ah Jubbada Hoose.

G/Sare Maxamed Buulle oo ah abaanduulaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab

ayna ka fuliyeen deegaano ka tirsan jubbada Hoose,kuwaasi oo kala ah  Araare iyo Muuse.

Howlgalka ay fuliyeen Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaaro,iyadoona la xaqiijiyay in 4 sarkaal iyo 7 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgallaasi.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %