Howlgal Laga Sameeyay Degmo Kamid Ah Gobolka Banaadir — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Laga Sameeyay Degmo Kamid Ah Gobolka Banaadir

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,iyadoo shalay halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada.

Xaafadaha sida gaar ka  ah howgalkaan looga sameeyay ayaa waxaa kamid ah xaalada Suuq Bacaad iyo xaafado kale oo ka tirsan Yaaqshiid,waxaana la sheegay in howlgalka lagu soo  qab qabtay dad u badnaa dhaliyaro.

Dadka deegaanka Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadu howlgalka ay ku soo qabteen  dad dhaliyaro ah,iyadoo dhaliyaraasi la isugu geeyay goob barxad ah,isla markaana Ciidamada la sheegay in ay wateen qaar kamid dhaliyaraha howlagalkaas lagu qabtay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in howlagalka Ciidamada dowlada ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Yaaqshiid uu saameyn ku yeeshay goobaha Ganacsiga ee ku yaall Suuq Bacaad,waxaana ganacsatada Suuqaasi ay sheegeen in ganacsigood uu xirnaa muddo Saacad ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!