Mareeg Media
Somalia

Howlgal laga fuliyey Muqdisho

120

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaam xalay ay howlgallo baaritaan ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir.

Howlgalkaas oo ay fulinayeen Ciidamada Taliska Booliska Waliyow Cadde ayaa waxaa lag sameeyey Xaafado dhowr ah oo ku yaalla degmada Howl-Wadaag,waxaana ciidamada qaarkood ay baarayeen guryaha ay dadka Shacabka ah degan yihiim.

Saraakiil dhinaca amaanka ah ayaa Risaala waxa ay u sheegen in hwolaglka lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro oo qaarkood la tuhmayo halka qaarkood lasiidaayey.

Howlgalka xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan degmada Howl-Wadaag ayaa daba socda howlgallo ciidamada Booliska todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!