Howlgal kale Ciidamada Kumaandooska DF iyo Kuwa Ajaanib ah mar kale ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal kale Ciidamada Kumaandooska DF iyo Kuwa Ajaanib ah mar kale ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose

Afgooye  ( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamo kuwa Kumaandooska dowladda Federaalka iyo Ajaanib isugu jira ay weerareen saaka aroortii tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in 3 Diyaaradood ay ka dageen Tuulada Sabiib oo Ciidamo ay ka daateen halkaas oo uu ku yaallo Saldhig ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal fool ka fool  ahaa.

Halka dhinaca Caanoole Madaafiic ay ku hoobteen iyadoona labada tuulo intaba ay isaga baxeen Ururka Al Shabaab.

Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay faarujiyeen Tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay la wareegeen durba Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay abaareen dhinaca Tuulada Bariire oo iyaduna dhacda duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.