Howlgal ka dhacay Muqdisho oo lagu qabtay dad iyo gaadiid

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Howlglakaas waxaa waxaa lagu soo qab qabtay dad Shabaabnimo lagu tuhmayo.

Howlgalkaan ayaa bilowday xalay fiidkii, waxaana ciidamada ay ku baarayeen xaafado ka mid ah Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid oo inta badan ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa howlgalkaasi waxay ku soo qabteen saddex ruux oo sida la sheegay ku sugnaa meel ciidamada rasaas looga soo riday intii howlgalka ay ku guda jireen.

Howlgalka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu qabtay gaari nuuciisu NOAH, kaasoo ay saarnaayeen daooyin.

Laamaha amaanka ayaa ka shaki qaba in gaarigaas ahaa mid loo adeegsado xarrun caafimaad oo guurguurta.

Saddexdaasi ruux iyo gaariga ee ay ciidamada ammaanka dowladda ay soo qabteen, waxaana iminka ay ku xiran yihiin xarumaha ciidanka dowladda ee Muqdisho ku leeyihiin.

Alshabaab ayaa Muqdisho ka bilaabay in weerarada qaar ay u adeegsadaan gaadiid, iyagoo marka ay falka fuliyaan ku baxsada gaadiidka ay wataan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245