Howlgal hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay Marka (SAWIRRO) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay Marka (SAWIRRO)

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  in ka badan 10 ruux , kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadkaasi Ciidanka Booliska ay kasoo xireen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Ciidanka Booliska howlgal ay ka sameeyeen degmada Marka in ay kusoo qabteen Keyd Qaraxyo ah oo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!