Howlgal milateri oo hub & dad lagu qabtay oo xalay ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal milateri oo hub & dad lagu qabtay oo xalay ka dhacay Muqdisho

Mareeg.com: Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ay kazoo qabatay hub iyo qalab, kuwaasoo loo maleynayo in loo weday Alshabaab.

Howlgalkii lagu qabtay hubkaas waxaa ka horeeyey iska hor-imaad dhex maraya ciidamada Nabad Sugidda iyo ragii joogay guriga la weeraray.

Guriga Nabad Sugiddu weerartay ee hubka laga soo qabtay waxaa deganaa nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Ileys, kaasoo wararka qaar sheegayaan inuu ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, halka warar kale sheegayaan inuu yahay nin ka ganacsada hubka.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf ayaa VOA u sheegay in hubkaas lala qabtay dhowr qof oo uu tiradooda ka gaabsaday.

Maxmed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay inaan khasaare weyn ka dhalan howlgalka lagu qabtay hubkaas, isagoo dhanka kale xusay in baaritaan lagu sameynayo ciddii hubkaas laheyd iyo halka loo weday.

Dhowr maalmood ka hor ayaa sidan oo kale wasaaradda Amaanka Qaranku agagaarka Banaadir kazoo qabatay hub la sheegay inuu lahaa hogaamiyihii kooxeedkii geeriyooday Cusmaan Caato.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!