Howlgal Culus Oo Saakay Ka Dhacay Gobolka S/Dhexe & Al Shabaab Oo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Culus Oo Saakay Ka Dhacay Gobolka S/Dhexe & Al Shabaab Oo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Xoogga dalka Sooomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab iyo kuwa mareykan ay la gareegen gacan ku heynta deegaano hoos taga Degmada Balcad ee Gobolkaasi.

Deegaanada ay la wareegan Ciidamada ayaa waxaa gacanta ku haayay in muddo ah dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab,waxaana kamid ah deegaanada lala wareegay Basra, Buulo kuunto,Garasweyne Daniga Baalow.

Waxaa la sheegay in Ciidamadda isgarabsanaya ay saakay u suurta gashay in ay la wareegaan deeganaddaas oo Al Shabaab ay ku lahaayeen saldhigyo Ciidan, sidoo kalana ahaa goobo lagu tababaro askarta.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay howlgalkii saakay laga fuliyay Deegaano hoos taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!