Howlgal Culus Oo Laga Sameeyay Degmada Kaaraan Ee G/Banaadir + Sawirro

Read Time:57 Second

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Howlgalkaan waxaa si gaar ah u fulinayay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, iyagoo ku socday goobo gaar ah oo bartilmaameed u ahaa oo ay ku sugnaayeen Al shabaab iyo goobo kale oo iyana la tuhmayay inay ku keedsadeen walxo ay amniga Caasimadda ay ku wiiqaan.

Intii uu socday howlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulayay hawaneyd ayaa waxaa lagasoo qab qabtay xaafadihii howlgalka uu ka dhacay Ragii la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.

Howlgalka oo bilowday abaaro  8 fiidnimo ayaa si nabad galyo ah kusoo gaba gaboobay saqdii dhexe, waxaana dad degan xaafadaha howlaha amni laga hayay la arkaayay iyagoo si nabad galyo ah u wata howlahooda shaqo iyo isku socodka dadweynaha, marka laga reebo guryaha sida gaarka ah diirada u saarneyd oo wax dhaq dhaqaaq kale oo howlaha socda ka madax banaan laga dhowrayay.

Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgaladda ay ka sameeyaan Magaaladda Muqdisho kadib markii ay kordheen weerarada dagaalyahanadda Ururka Al Shabaab ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %