Howlgal cir iyo dhul lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo la fuliyay

Read Time:48 Second

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska  ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada hoose halkaas oo kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab fariisimo ku lahaayeen.

Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxaa lagu bur buriyey fariisimihii kooxda ee deegaanka waxaana ciidanku ooda ka qaaday maxaabiis badan oo u xirnaa sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay tiro maleyshiyaad ah iyo horjoogayaashoodii.

Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka ee howlaglka oo saacado socday jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada isla markaana nolosha lagu qabtay tiro maleyshiyo ah maxaabiistii u xirneedna laga sii daayay xabsiyada.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu dhabar jabiyey cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa dadkii lagu qabtay ku jira horjoogayaal ajaanib ah oo ay ciidanku soo bandhigeen sidoo kale maxkamad ku sheegii ay halkaa ku lahaayeen ayaa la bur buriyey, dadka deegaanka Basra ayaa soo dhaweeyey howlgalka ciidanku ka fuliyeen deegaanka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.