Howlgal Ciidamada Soomaaliya Iyo Amisom Ka Wadaan Yaakhshiid Kadib Weerar Xalay Dhacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal Ciidamada Soomaaliya Iyo Amisom Ka Wadaan Yaakhshiid Kadib Weerar Xalay Dhacay

Muqdisho, Mareeg.com: Rabshado hub loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Yaakhshiid ee magaalada Mqudisho, iyadoo qarax lagu riday saldhiga booliska degmada xilli aan weli la gaarin 9-kii fiidnimo.

Ciidamada booliska ah ee ku sugnaa saldhiga booliska ayaa rasaas xoog leh u riday jihada wax qarax laga soo tuuray oo ku beegneyd jid dheer oo gala xaafadda Carafaat ee isla degmada Yaakhshiid oo xigta dhanka wadada Warshadaha.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howl galo ka wada Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, halkaasoo xalay iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah ayaa soo buuxiyay xaafada Towfiiq iyo Cafataat oo ku dhow Jidka Warshadaha oo habeenadii la soo dhaafay weeraro ka dhaceen.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bam-gacmeed xalay ku tuuray guri ay inta badan ku shiraan fannaaniinta hobolada Waaberi oo ku yaalla gudaha degmadaas, iyadoo uu dhaawac fudud kasoo gaaray bambkaas qof rayid ah oo jidka marayay.

Kooxaha weerarkan geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo xaafadda uu weerarku ka dhacay ay buuxiyeen ciidammo ka trisan kuwa dowladda oo baritaanno sameeyay inkastoo aysan cidna u soo qaban weerarka.

Dhanka kale, nin ku labisnaa dharka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maax, iyadoo dilkan uu ka dhacay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir.

Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ka dhago-adaygay amar uu qofka wax dilay siiyay oo ahaa inuu soo dhiibo taleefoon kuwa gacanta ah oo uu watay, taasna ay keentay in goobta lagu toogto.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.