Howlgal boqolaal la qabtay afar laga watay oo ciidanku dowladdu ka sameeyey Yaakhshiid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Howlgal boqolaal la qabtay afar laga watay oo ciidanku dowladdu ka sameeyey Yaakhshiid

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay geelinmii dambe ilaa saaka howlgal ka sameeyey degmada Yaakhshiid, gaar ahaan xaafadaha ku haareysan Siligga Towfiiq oo u badan xaafado isku raran ah.

Ciidamada ayaa dhallinyaro farabadan ka qaqabtay xaafadahooda xilli hore oo saaka ah, waxaana lagu qaaday garaarida shabaqlayaasha ah ee boolisku leeyihiin, waxaana la geeyey goob dadka lagu kala saarayey oo aan xaafadda ka fogeyn.

Ciidamada ayaa la sheegay iney raadinayaan xubno Alshabaab ah, waxaan goor dambe oo barqa ah la daayey inta badan dadkii lagu qabtay howlgalkaas oo bilowday xalay ka hor salaadii subax, marka laga reebo 4 ruux oo ay ciidamadu wateen.

Todobaadkaan ayaa howlgaalkan nuucaan ah laga sameeyey xaafado ka mid ah degmada Hiliwaa, waxaana lagu qabqabaty boqolaal qof, hase ahaatee 10 kaliya ayaa laga watay, intii kalana waa la sii daayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!