Howl gallo Nabad Sugida dowladda Soomaaliya xalay ka sameeyeen Degmada Hodan

Mareeg.com-

Muqdisho (Mareeg.com)—Sida dad deegaanka ah ay Shabelle u xaqiijiyeen Xalay Ciidanka Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ayaa Howl gallo xoogan waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Soona Key ee Degmada Hodan.

Howl gallada laga sameeyay Degmada Hodan ayaa xalay lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo ku lug lahaanshiyaha falal ammaan darri oo ka jira gudaha degmadaasi.

Goob Joogayaasha ayaa intaasi kudaray in Howl galka lagu soo qabtay illaa 4 qof kuwaas oo guri ay ku sugnaayeen gudaha ay u galeen Ciidanku kadibna halkaasi ay ka kaxeysteen.

Howl galkaan xalay  laga sameeyay Degmada Hodan ayaa ku soo beegmaya xilli Taliska Booliska Degmadaasi ay shaaciyeen in ay ka hortageen falal dhibaato oo ka dhici lahaa Gudaha Degmadaasi.