Howl Gallo laga sameeyay wadada u dhexeysa Afgooye iyo Leego

Afgoye-Taliyaha Guutada 6aad Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Max’ed Tareedisho oo u warramayay Warbaahinta ayaa faah faahiyay howl gallo laga sameeyay inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Tareedisho ayaa ku micneeyay howl galkaan kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka wada isku xirta Afgooye iyo Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“ Ciidamadu Bartilmaameedkooda koowaad waa Burcadda jid gooyooyinka dhigta halkaas iyo Kooxo kale ee Al Shabaab oo nabad gelyada ka soo horjeeda” ayuu yiri Taliye Axmed Tareedisho.

Taliyaha ayaan cadeynin tirada rasmiga ah ee Howl galkoodii maanta ku soo qab qabteen, walow ilo deegaanka ah ay xaqiijiyeen in ay jiraan dad ay Ciidamadu qab qabteen.