Horjooge burcad badeed & hubkiisa oo lagu qabtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Horjooge burcad badeed & hubkiisa oo lagu qabtay Muqdisho

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Nabadsugudda ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen horjooge katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, kasoo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Gafaaje iyo hub uu lahaa.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgal waxa ay ka fuliyeen Guri kuyaala Xaafada Laba Dhagax, degmada Wardhiigkey ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Nabad Sugia ayaa guriga Hogaamiyahan katirsanaa Burcad Badeeda Soomaalida waxa ay kasoo qabteen hub badan oo nuuca yar yar iyo hub kale oo la sheegay in uu heestay Ninkan Burcad badeeda katirsanaa.

Maxamed Cabdi Gafaaje iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu xiray xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho , mana jirin wax iska hor imaad ah oo dhax maray Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalada Hogaamiyahan katirsan Kooxda Burcad badeeda.

Holwgalkaas ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa qorshaha hub ka dhigista hogaamiye kooxeedyada iyo nakeeshiyaad beeleedka ku sugan magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.