Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis dalbaday  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis dalbaday 

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dalbaday Ra;iisul Wasaaraha Itoobiya inuu cafis u fidiyo, isaga iyo dadka la eedeysan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkan jeediyay Maxkamad ku taalla Addis Ababa oo markii 3aad la horkeenay.

Waxaa uu ka codsday Maxkamadda in hadalkan laga gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, si uu cafis ugu fidiyo, maadaaka lagu jiro waqtigii is cafiska.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muddo 42 maalmood xiran, waxaa la xiray bishii hore, isagoo loo heysto eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada intii uu maamulkiisa talada hayay.

Waxaa uu dhowaan cabasho ka keenay in isaga iyo xubnaha la xiran aan qoraxda la tusin, isla markaana ehelkiisa ee soo booqda lagu qasbo inay ku hadlaan afka amxaariga.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbaday in todobo maalmood oo dheeraad ah loogu daro, si ay u dhameystiraan eedeymaha ay ku soo oogayaan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!