Hooyada dhashay RW Cumar C/rashiid oo ku geeriyootay Canada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hooyada dhashay RW Cumar C/rashiid oo ku geeriyootay Canada

Mareeg.com: Hooyada dhashay RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ku geeriyootay dalka Canada, halkaasoo ay muddo ku nooleyd.

Allah ha u naxariistee, Ruqiya Macalin Daahir ayaa ahayd marwadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isla markaana ahayd hooyada RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa waxay tacsi u direen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hooyadiis Allaha u naxariistee Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir ay ku geeriyootay dalka Canada.

“Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumada uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri RW ku xigeenka Maxamed C. Carte.

Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheikh Cusman Jawaari, Xubnaha labada gole iyo dadweyne faro badan ayaa saaka isugu yimid hoyga Ra’iisul Wasaaraha si ay uga tacsiyeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar, geerida naxdinta leh ee ku timid Hooyadiis.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.