Hoobiyaal Xalay Ku Dhacay Xaafad Ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Read Time:31 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Dhowr madfac ayaa xalay ku dhacay xaafado ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan oo u muuqatay mid lala raadinayey garoonka diyaardaha ayaa qaarkood ku dhaceen xaafadda Buulo Xuyubey oo aad ugu dhow garoonka diyaaradaha.

Ilaaa 4 ruux oo ay ku jireen caruur iyo haween ayaa ku dhaawacmay madaafiicda, kuwaasoo degenaa Xaafada Bangaariyada oo ka tirsan Buulo Xuubey, degmada Wada Jir.

Ma jirto cid ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo ka hadlay hooboyaasha xalay ku dhacay xaafadda Buulo Xuubey.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa Alshabaab madaafiic ku weerareen garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo Jaamacadda Kismaayo.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.