Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo farmaajo ku sheegay nin jilcan oo soomaliada kenya iyo ethiopia u gacangeliyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo farmaajo ku sheegay nin jilcan oo soomaliada kenya iyo ethiopia u gacangeliyay

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda ayaa farriin cusub oo laga soo duubay oo ay baahisay garabka Warbaahinta ee Al-Kataa’ib ayaa waxaa uu uga hadlay xaalada dalka.

Farriintan ayaa ugu horeyn ugu hadlay fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana uu ugu baaqay Muslimiinta in laga faa’ideysto.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda ayaa markii u horeysay farriintiisa ku weeraray Madaxweyne Farmaajo isagoo ku sifeeyay inuu yahay hoggaamiye aan karti laheyn sida uu yiri.

“Waa gole calooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday in uu galo maxmiyad, iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga Umadani lahayd. Waa gole dalka u gacan gelinaya cadowgeena soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxay barratan ugu jiraan sidii ay u hirgelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshadeena Muslimka ah. Waa golaha doortay hogaamiye bilaash xeyte ah, kasxumo iyo garaad la’aana ku caanbaxay, Kampala accrod-na ku garaadsaday”ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Waxaa uu soo hadal qaaday khilaafkii Baarlamaanka, damaca Turkiga iyo Imaaraadka ka leeyihiin Soomaaliya, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin duulaanka umadda lagu soo qaayay.

Abuu Cubeyda ayaa is weydiiyay waxa lagu kala dooranayo Jawaari iyo Mursalka Turkiga ee loo doortay Baarlamaanka, waxaa uu sidoo kale in la isweydiiyo mudan waxa lagu kala dooranayo Turkiga iyo Imaaraadka, oo uu xusay inay yihiin labo dowladood oo dhibaato ku haya umadda.

“Turkiga oo qeyb ka ah huwanta saliibiyada ah ee NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dakada iyo Airport-ka, wuxuu dalka ka hirgeliyey saldhig military oo uu ku ilaalsanayo boobka dhaqaalaha dalkeena, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu dunida ku leeyahay sida la ogyahay. Turkiga waa midka hadda Itoobiya ka taageeraya Mashruuca biya xireenka An-Nahda” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu dagaal adag ugu jiro inuu gacanta ku dhigo Dekedaha ka baxsan Muqdisho iyo sidii Talisyo ciidan ugu yeelan lahaa Badda Cas, isagoo intaa ku daray in Imaaraadka iyo Turkiga inay sabab u noqdeen dhismaha Ciidamo uu ugu yeeray inay yihiin calooshood u shaqeystayaal ah, iyagana ka amar qaata sida uu yiri.

Abuu Cubeyda ayaa ka hadlay xaalada dalka, gaar ahaan khilaafkii hareeyay Baarlamaanka, duulaanka waxaa uu ugu yeeray Turkiga iyo Imaaraadka iyo dagaalka ay kula jiraan AMISOM.

Waxaa uu sheegay in wiiqeen awoodii AMISOM, isla markaana ay haatan ku go’doonsan yihiin xeryaha ay kaga sugan yihiin dalka, isla markaana muddo 3 bil gudahood laga dilay 200 oo askari ah.

Farriinta Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa aheyd mid aad u dheer oo lagu soo aadiyay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!