Hogaanada Puntland & Galmudug oo kulan xasaasi ah ku leh Woqooyiga Gaalkacyo

Read Time:33 Second

Dowlad goboleedyada Puntland & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan ku leh xarunta Madaxtooyada woqoyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulankan ayey maalmihii la soo dhaafay qaban-qaabadiisu ka socoay Gaalkacyo oo laga hadal hayay, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada maamul, amniga magaalada Gaalkacyo, wax ka qabashada colaad beeleedyo ku soo laalaabtay degaano ka tirsan gobolka Mudug iyo qodobo kale.

Waxaa kulankan uu ku soo aadaya xili uusan fiiceyn xiriirka Puntland iyo DF, halka dhinaca kale maamulka Galmudug uu si weyn ugu dhow yahay dowlada dhexe, waxaana laga dhur sugayaa waxyaabaha ka soo baxa kulankooda.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %