Hogaamiye Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al Shabaab Oo Baxsad Ah Kadib Markii.......... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hogaamiye Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al Shabaab Oo Baxsad Ah Kadib Markii……….

Hogaamiye ka tirsan Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab oo kasoo jeeda dalka kenya ayaa la sheegay in uu baxsad yahay islamarkaana uu doonayo in uu ka baxo kaddib markii ay isku dhaceen Hoggaanka Sare oo ka Al Shabaab.

Sida uu qoray wargeyska standard media oo soo xiganaya warbixin sirdoon ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al Shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan Dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al Shabaab.

Hogaamiyahaan oo madax ka ah guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Ururka Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka Al Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah

Dowladda kenya ayaa ninkaan madaxii dul dhigtay mallaayiin doolar ah,kadib markii u soo bandhigay muuqaalo ay baahisay Al Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii hore fagaaro ku yaala Degmada bu’aalle ay Al Shabaab ku fuliyeen dil toogasho oo lagu fuliyay dagaalyahan Kenyaan kuwaas oo Al Shabaab ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin xiriir la lahaa Sirdoono Shisheeye.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!