Hogaamiye Ka Tirsanaa Kacdoonka Suuriya Oo U Geeriyooday Weerar Diyaaradeed

Read Time:1 Minute, 9 Second

Halab, Mareeg.com: Hogaamiyihii Gaaska Al-towxiid Cabdulqaadir Saalax ee ka mid ah jabhadaha la dagaallama nidaamka Suuriya ee Bashaar Al-asad hogaamiyo ayaa si rasmi ah loo shaaciyey inuu u geeriyooday weerar diyaaradeed oo todobaadkii hore ku qabsaday magaalada Xalab oo ka mid ah magaalooyinka Suuriya ee dagaalka ugu xoogan ka socda muddo dheer.

Hogaamiyahaan la oran jiray Cabdulqaadir Saalax ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, halkaasoo loogu qaaday daweyn kadib markii todobaadkii hore diyaaradaha nidaamka uu hogaamiyo Bashaar Al-asad ay ku weerareen guri ku yaalla magaalada Xalab.

Afhayeen u hadlay Gaaska Al-towxiid oo lagu magacaabo Akram Alhalabi ayaa xaqiijiyey in hogaamiyahoodii Cabdulqaadir Saalax oo u u geeriyooday dhaawacii soo gaaray todobaadkii hore.

Akram Alhalabi ayaa sheegay in Gaasku booska marxuumka dhintay ay u doorteen sarkaal lagu magacaabo Cabdilcaziiz Salaamah.

Hogaamiye Cabdulqaadir Saalax ayaa markii la dilayey magaalada Xalab ka uruurinayey dagaalyahano ka hortaga hore-usocod ay halkaas ka wadeen ciidmada nidaamka Suuriya ee Bashaar Alasad madaxda ka yahay.

Cabdulqaadir Saalax ayaa horay looga soo xigtay inuu yiri isagoo la hadlayey TV mucaarad ku ah Bashaar Al-asad “Ma u ogolnaaneyno iney Iiraan Xisbullah ay horumar ka sameeyeen dagaalka, iney meydkeenna ku dul socdaan mooyaane”.

Cabdulqaadir Saalax ayaa hogaaamin jiray Gaaska Al-towxiid oo ka kooban ilaa 10 kun oo dagaalyahan, waxaana Cabdulqaadir Saalax horay uga mid ahaa ganacsatada degan hareeraha magaalada Xalab.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %