Read Time:1 Minute, 6 Second
Mareeg.com: Hogaamiyaha Ururka hubeysan ee Xizbullaah, Sheekh Xasan Nasrallaah ayaa xaqiijiyey in ciidamadiisu ka garab dagaalamayaan ciidamada dowladda Ciraaq ee dagaalka kula jirta dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah (ISIS).
Hadal uu shalay jeediyey Nasrallah ayuu ku sheegay in ciidamo aan badneyn oo ka tirsan Xizbullaah ay dagaalka kala qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda Ciraaq iyo ciidamada Kudriyiinta ee Beshmarga.
“Waxaa suuragal ah inaan horay uga hadlin Ciraaq, halkaas waxaa naga jooga ciidan aan badneyn, maadaama dalkaas ay ka taagan tahay xaalad xasaasi ah” ayuu yiri Xasan Nasrallah.
Hogaamiyaha Xizbullah ayaa shucuubta iyo xukuumadaha gobolka ugu baaqay iney si isman uga wada hoortagaan Daacish oo uu ku tilmaamay Khatar Argagixiso.
Ciidamada Xisbullah ayaa horay uga barbar dagaalamayey ciidamada nidaamka dalka Suuriya ee uu hogaamiyo Bashaar Al-asad.
Wuxuu Nasraallah ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta iney taageeri siiyaan Jabhadda Alqaacidda ku xiran ee Alnusra, taasoo ka dagaalanta dalka Suuriya.
Hogaamiyaha Xizbullah ayaa tilmaamay in Daacish iyo Alnusra ay isku feker yihiin, hase ahaatee isku khilaafsan yihiin oo kaliya madaxtinimada.
Ugu damneyntii Xasan Nasrallah ayaa ugu baaqay kooxaha ururkiisa mabda’a la wadaaga iney u dhaqaaqaan Suuriya iyo Ciraaq, si buu yiri loola dagaalamo kooxaha dadka gaaleysiiya.
Xizbullah waa jabhad Shiico ah oo aad u hubeysan, islamarkaana fadhigeeda yahay Koonfurta Lubnan, waxaana taageero dhaqaale mid milateri siiya dowladda Iran ee Shiicada ah.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %