Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Oo Amaanay Dilkii Adeerkiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Oo Amaanay Dilkii Adeerkiis

Pyongyang, Mareeg.com: Gogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un ayaa amaanay dilka nin adeer u ahaa, kaasoo dowladdu 13-december 2013 ay ku dhawaaqday in daldalay.

Kim Jong-un ayaa amaanay dilkii ninkii qabay eedadiis ee la oran jiray, Jang Sung-Tek, wuxuuna ku tilmaamay in laga takhalusay wax uu ugu yeeray qurunka is-kooxeysiga.

Hadal laga sii daayey Talefeshinka rasmiga ah ee Woqooyiga Kuuriya ayuu Kim Jong-un ku difaacay dilkii Jang Sung-Tek, wuxuuna go’aankaas ku tilmaamay tilaabo diiran oo xoojisay midnimada dalka sida uu yiri.

Jang Sung-Tek waxaa lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo inuu isku dayey inuu rido hogaanka xilligaan ee dalka Woqooyiga Kuuriya. Daldlaadda ninkaan ayaa timid kadib markii la saaray maxkamad milateri.

Wakaaladda wararka Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in Jang Sung-Tek uu qirtay inuu six un uga faa’iideystay awoodiisa, islamarkaana abuuray koox dowladda ka horjeedda si ugu gaaro damaciisa siyaaseed ee gaarka ah.

Jang Sung-Tek ayaa soo qabtay xilal waaweyn kazoo qabtay xizbiga talada haya iyo guddiga difaaca qaranka oo ah hay’adda ugu sarreysa dalkaas.

Jang Sung-Tek oo awood badan ku lahaa dalka Woqooyiga Kuuriya yaa mas’uul ka ahaa la socodka xil la weergista wiilka uu adeerka u yahay ee Kim Jong-un kadib markii aabihiis Kim Jong Il uu geeriyooday sanadkii 2011.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.