Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Oo Daldlay Adeerkiis

Pyongyang, Mareeg.com: Nin awood badan ku dhex lahaaa hogaanka Woqooyiga Kuuriya, islamarkaana adeer u ahaa hogaamiyaha da’da ay ee dalkaas Kim Jong-un ayaa la daldalay kadib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay khiyaano qaran.

Siday aya baaahisay wakalaadda wararka Woqooyiga Kuuriya, ninka la daldalay ee adeerka u ah hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa lagu magacaabi jiray Jang Sung-Tek.

Jang Sung-Tek waxaa lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo inuu isku dayey inuu rido hogaanka xilligaan ee dalka Woqooyiga Kuuriya. Daldlaadda ninkaan ayaa timid kadib markii la saaray maxkamad milateri.

Wakaaladda wararka Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in Jang Sung-Tek uu qirtay inuu six un uga faa’iideystay awoodiisa, islamarkaana abuuray koox dowladda ka horjeedda si ugu gaaro damaciisa siyaaseed ee gaarka ah.

Jang Sung-Tek ayaa soo qabtay xilal waaweyn kazoo qabtay xizbiga talada haya iyo guddiga difaaca qaranka oo ah hay’adda ugu sarreysa dalkaas.

Jang Sung-Tek ayaa mas’uul ka ahaa la socodka xil la weergista wiilka uu adeerka u yahay ee Kim Jong-un kadib markii aabihiis Kim Jong Il uu geeriyooday sanadkii 2011.

Mareeg.com